[1] Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu baad saaray dhulkii iyo gasiiradihii baddaba.
[2] Oo falimihii uu xooggiisii iyo itaalkiisii ku sameeyey oo dhan, iyo warkii Mordekay weynaantiisii uu boqorku isaga u sara mariyey sow kuma wada qornayn buuggii taariikhda oo boqorradii Maaday iyo Faaris.
[3] Haddaba Yuhuudigii Mordekay ahaa wuxuu ahaa ninkii ku xigay Boqor Ahashwerus, oo xagga Yuhuuddana wuxuu ahaa nin weyn, oo walaalihiisa badanuna way aqbaleen; oo wuxuuna ahaa nin doondoonaa wanaaXxa dadkiisa oo nabaadiino kula hadla farcankiisa oo dhan.