[1] Haddaba saacaddii sagaalaad oo wakhtigii salaadda ah ayaa Butros iyo Yooxanaa macbudka tageen.
[2] Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawersado.
[3] Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan. ayuu dawersaday iyaga.
[4] Markaasaa Butros, oo Yooxanaa la socdo. intuu aad u fiiriyey isaga, ku yidhi, Na soo eeg.
[5] Markaasuu u fiirsaday iyaga. isagoo filanaya inuu iyaga wax ka helo.
[6] laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasaret, ku soco.
[7] Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen.
[8] Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay. isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.
[9] Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya;
[10] markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawersiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amakaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.
[11] Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.
[12] Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer bini Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?
[13] llaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa llaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacan geliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku dafirteen markuu goostay inuu sii daayo.
[14] laakiin idinku waxaad dafirteen Kan Qoduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weydiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo,
[15] oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.
[16] Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.
[17] Waxaanan ogahay, walaalayaalow, inaad tan aqoonla'aan u samayseen, sidii madaxdiinnuba yeeshay oo kale.
[18] laakiin Ilaah sidaasuu u dhammeeyey waxyaalihii uu hore uga sheegay afafkii nebiyada oo dhan oo ahaa in Masiixu silci doono.
[19] Haddaba toobad keena oo soo noqda. si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qaboojis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,
[20] oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay,
[21] kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii qoduuska ahaa tan iyo bilowgii.
[22] Muuse wuxuu yidhi, Rabbiga llaaha ahu wuxuu walaalihiinna dhexdooda idiinka kicin doonaa nebi anoo kale ah. Waa inaad isaga ka dhegaysataan wax kastuu idinku yidhaahdo.
[23] Waxay noqon doontaa in naf kastoo aan nebigaas dhegaysan dadka laga dhex saari doono oo la baabi'in doono.
[24] Nebiyadii oo dhan tan iyo Samuu'eel iyo kuwii ka dambeeyey, in alla intii hadashay, waxay wada sheegeen maalmahan.
[25] Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.
[26] Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakadeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.