[1] Markaas dabadeed Daa'uud baa Rabbiga wax weydiiyey, oo yidhi, Magaalooyinka dalka Yahuudah middood ma u kacaa? Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haah, u kac. Markaasaa Daa'uud yidhi, Xaggee baan u kacaa? Isna wuxuu yidhi, Xebroon tag.
[2] Saas daraaddeed Daa'uud halkaasuu u kacay, oo labadiisii naagoodna way raaceen, kuwaas oo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel.
[3] Oo raggiisii isaga la jirayna Daa'uud wuu kaxaystay, iyadoo nin waluba reerkiisii wato; oo waxay degeen magaalooyinkii Xebroon.
[4] Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah.Waxaana Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad.
[5] Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo ku yidhi, Rabbigu ha idin barakadeeyo, waayo, waad u roonaateen oo aasteen sayidkiinnii Saa'uul ahaa.
[6] Haddaba Rabbigu ha idiin roonaado oo runtana ha idin tuso; oo anna waan idiinka abaal gudi doonaa roonaantaas, maxaa yeelay, idinku waxaas baad samayseen.
[7] Haddaba gacmihiinnu ha xoogaysteen, oo idinna xoog yeesha, waayo, sayidkiinnii Saa'uul waa dhintay, oo reer Yahuudahna anigay ii subkeen inaan u ahaado boqor u taliya.
[8] Haddaba Abneer oo ahaa ina Neer, oo Saa'uul ciidankiisa sirkaal u ahaa ayaa soo kaxaystay Iishboshet oo ahaa ina Saa'uul, oo wuxuu u soo gudbiyey xagga Maxanayim;
[9] OO WUXUU boqor uga dhigay reer Gilecaad, iyo reer Ashuur, iyo Yesre'eel, iyo reer Efrayim, iyo Benyaamiin, iyo reer binu Israa'iil oo dhan.
[10] (Oo Iishboshet oo ahaa ina Saa'uul afartan sannadood buu jiray markii uu bilaabay inuu boqor u noqdo reer binu Israa'iil, oo wuxuuna boqor u ahaa laba sannadood.) Laakiinse reer Yahuudah waxay raaceen Daa'uud.
[11] Oo wakhtigii Daa'uud Xebroon boqorka ugu ahaa reer Yahuudah wuxuu ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood.
[12] Markaasaa Abneer oo ahaa ina Neer, iyo addoommadii Iishboshet ina Saa'uul, Maxanayim ka soo baxeen, oo waxay tageen Gibecoon.
[13] Kolkaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo addoommadii Daa'uud soo baxeen, oo waxay ku wada kulmeen balligii Gibecoon agtiisa; oo iyana qolo waxay balliga ka fadhiisatay dhinac, qoladii kalena waxay balliga ka fadhiisteen dhinacii kale.
[14] Markaasaa Abneer wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ragga dhallinyarada ahu ha kaceen oo horteenna ha ku cayaareen. Yoo'aabna wuxuu yidhi, Waa yahay ee ha kaceen.
[15] Markaasay kaceen oo tiro ku gudbeen; oo waxay ahaayeen laba iyo toban reer Benyaamiin ah, oo ka socda xaggii Iishboshet oo ahaa ina Saa'uul, iyo laba iyo toban ka socda addoommadii Daa'uud.
[16] Oo mid waluba ninkiisii ayuu madaxa qabsaday. oo seeftiisii ayuu dhinaca ka daray midkii uu haystay. Sidaasay dhammaantood u wada dhaceen. Saas aawadeed meeshaas oo Gibecoon ku taal waxaa loo baxshay Xelqat Hasuriim.
[17] Oo dagaalkiina aad buu u kululaaday maalintaas; oo waxaa laga adkaaday Abneer, iyo raggii reer binu Israa'iil, waxaana ka reeyey addoommadii Daa'uud.
[18] Oo saddexdii wiil ee ay Seruuyaah dhashay halkaas ayay wada joogeen, kuwaasoo ahaa Yoo'aab iyo Abiishay iyo Casaaheel. Casaaheelna wuxuu u cago fududaa sida cawsha duurka.
[19] Markaasaa Casaaheel wuxuu eryaday Abneer, oo intuu Abneer eryanayayna uma uu leexan midig iyo bidix toona.
[20] Markaasaa Abneer gadaashiisa dhugtay, oo wuxuu yidhi, War ma adigii baa. Casaaheelow? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii.
[21] Markaasaa Abneer wuxuu ku yidhi, War midigta ama bidixda u leexo. oo ragga dhallinyarada ah midkood qabso, oo ka soo qaado hubkiisa dagaalka. Laakiinse Casaaheel wuu diiday inuu isaga ka leexdo.
[22] Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab?
[23] Habase yeeshee wuu diiday inuu gees uga leexdo; sidaas daraaddeed Abneer waranka dabadiisii ayuu caloosha kaga dhuftay. w arankiina dib buu uga mudhbaxay; markaasuu halkaas ku dhacay, oo isla meeshaasuu ku dhintay; oo in alla intii soo gaadhay meeshii Casaaheel ku dhacay oo ku dhintay way wada istaageen.
[24] Laakiinse Yoo'aab iyo Abiishay waxay eryadeen Abneer; oo qorraxdiina way dhacday markii ay yimaadeen buurtii Ammaah oo ku hor taal Giyax ee ku ag taal waddada cidlada Gibecoon.
[25] Markaasaa reer Benyaamiin dhammaantood soo wada urureen oo Abneer soo daba galeen, oo waxay noqdeen guuto keliya, markaasay buur isku dul taageen.
[26] Dabadeedna Abneer wuxuu u dhawaaqay Yoo'aab, oo ku yidhi, War seeftu miyey weligeed baabbi'inaysaa? Ugu-dambaystase inay qadhaadh noqonayso sow ma ogid? Haddaba ilaa goormay noqonaysaa markaad dadka kala hadlayso inay ka hadhaan walaalahooda ay eryanayaan?
[27] Markaasaa Yoo'aab wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, haddaadan hadlin, hubaal dadku subaxda waa iska tegi lahaa oo ninnaba walaalkiis ma eryadeen.
[28] Sidaas daraaddeed Yoo'aab buunkii buu afuufay, oo dadkii oo dhammu way wada istaageen, oo mar dambe reer binu Israa'iilna ma ayan eryan, kol kalena ma ay diririn.
[29] Oo Abneer iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay sii dhex guuraynayeen Caraabaah; wayna ka gudbeen Webi Urdun, oo Bitroon oo dhanna way dhex mareen, oo waxay yimaadeen Maxanayim.
[30] Oo Yoo'aabna wuu ka noqday eryadkii uu Abneer eryanayay; oo markuu dadkii oo dhan soo urursaday, waxaa addoommadii Daa'uud ka dhinnaaday sagaal iyo toban nin iyo Casaaheel.
[31] Laakiinse addoommadii Daa'uud wax bay reer Benyaamiin iyo raggii Abneer ka laayeen, oo waxaa ka dhintay saddex boqol iyo lixdan nin.
[32] Markaasay Casaaheel qaadeen oo ku aaseen qabrigii aabbihiis, oo ku yiil Beytlaxam. Oo Yoo'aab iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay guureeyeen oo waxaa waagu ugu beryay Xebroon.