Skip to content
Opens in a new window

[1] Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.

[2] Nimco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise.

[3] Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay amaantiisa iyo wanaaggiisa.

[4] Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.

[5] Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon,

[6] aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado,

[7] cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.

[8] Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix.

[9] Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.

[10] Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaala haas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.

[11] Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.

[12] Sidaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaanniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.

[13] Waxaa ila qumman in in alla intii aan jidhkan ku jiro aan xusuusin idinku guubaabiyo.

[14] Waayo, waan ogahay inay dhaqso u imanayso goortii aan jidhkan ka tegi lahaa siduu Rabbigeenna Ciise Masiix i ogeysiiyey.

[15] Waxaan ku dadaali doonaa inaad tegiddayda dabadeed mar kastaba awooddaan inaad waxyaalahan xusuusataan.

[16] Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay. markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.

[17] Waayo, isagu wuxuu xagga llaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

[18] Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta qoduuska ah isaga la joognay.

[19] Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,

[20] idinkoo taas horta garanaya in wixii nebiyadii sii sheegeen oo la qoray ayan lahayn micnayn gooni ah.

[21] Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Qoduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.

2 Butros — Chapters