[1] Walaalayaalow, uma baahnidin in laydiin soo qoro wax ku saabsan wakhtiyada iyo xilliyada.
[2] Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.
[3] Markay leeyihiin. Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.
[4] laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.
[5] Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;
[6] sidaas daraaddeed yaynaan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.
[7] Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.
[8] laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.
[9] Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
[10] kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.
[11] Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiiro geliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.
[12] laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;
[13] Oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.
[14] Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiiro geliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
[15] Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.
[16] Had iyo goorba farxa.
[17] Joogsila'aanna tukada.
[18] Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.
[19] Ruuxa ha deminina.
[20] Wax-sii-sheegiddana ha quudhsanina.
[21] Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.
[22] Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.
[23] Ilaaha nabadda qudhiisu qoduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.
[24] Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.
[25] Walaalayaalow, noo soo duceeya.
[26] Walaalaha oo dhanna dhunkasho qoduus ah ku salaama.
[27] Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.
[28] Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.