Skip to content
Opens in a new window

[1] Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

[2] iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

[3] Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay.

[4] Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan.

[5] Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.

[6] Wiilashii Seraxna waxay ahaayeen Simrii, iyo Eetaan, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Daarac, oo dhammaantoodna waxay ahaayeen shan.

[7] Ina Karmiina wuxuu ahaa Caakaar oo ahaa kii reer binu Israa'iil dhibay, oo ku xadgudbay alaabtii la xaaraameeyey.

[8] Ina Eetaanna wuxuu ahaa Casaryaah.

[9] Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.

[10] Oo Raam wuxuu dhalay Cammiinaadaab, Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, oo reer Yahuudah amiir u ahaan jiray.

[11] Oo Naxshoon wuxuu dhalay Salmaa, Salmaana wuxuu dhalay Bocas,

[12] Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,

[13] Yesayna wuxuu dhalay curadkiisii oo ahaa Elii'aab, iyo Abiinaadaab oo ahaa wiilkiisii labaad, iyo Shimcaa oo ahaa wiilkiisii saddexaad,

[14] iyo Netaneel oo ahaa kii afraad, iyo Radday oo ahaa kii shanaad,

[15] iyo Osem oo ahaa kii lixaad, iyo Daa'uud oo ahaa kii toddobaad,

[16] oo walaalahoodii gabdhaha ahaana waxay ahaayeen Seruuyaah iyo Abiigayil, oo Seruuyaah wiilasheediina waxay ahaayeen Abishay, iyo Yoo'aab, iyo Asaaheel, oo waxay ahaayeen saddex.

[17] Abiigayilna waxay dhashay Camaasaa, oo Camaasaa aabbihiisna wuxuu ahaa Yeter oo reer Ismaaciil ahaa.

[18] Kaaleeb ina Xesroonna wuxuu carruur ka dhalay naagtiisii Casuubaah, iyo Yeriicoot, oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilasheedii, waana Yeesher, iyo Shoobaab, iyo Ardoon.

[19] Oo Casuubaahna way dhimatay, oo Kaaleeb wuxuu guursaday Efraat, oo iyana isagay u dhashay Xuur.

[20] Xuurna wuxuu dhalay Uurii, Uuriina wuxuu dhalay Besaleel.

[21] Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey ina Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.

[22] Seguubna wuxuu dhalay Yaa'iir, oo dalka reer Gilecaad ku lahaa saddex iyo labaatan magaalo.

[23] Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaat, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis.

[24] Oo Xesroon markuu Kaaleeb Efraataah ku dhintay dabadeed ayaa Abiiyaah oo ahayd Xesroon naagtiisii waxay isagii u dhashay Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiis.

[25] Oo Yeraxme'eel oo ahaa curadkii Xesroon wiilashiisiina waxay ahaayeen Raam oo curadkiisii ahaa, iyo Buunaah, iyo Oren, iyo Osem, iyo Axiiyaah.

[26] Oo Yeraxme'eelna wuxuu qabay naag kale, oo magaceeda la odhan jiray Cataaraah, oo iyana waxay ahayd Oonaam hooyadiis.

[27] Oo Raam oo ahaa curadkii Yeraxme'eel wiilashiisii waxay ahaayeen Macas, iyo Yaamiin, iyo Ceeqer.

[28] Wiilashii Oonaamna waxay ahaayeen Shammay, iyo Yaadaac, wiilashii Shammayna waxay ahaayeen Naadaab iyo Abiishuur.

[29] Oo naagtii Abiishuur magaceedana waxaa la odhan jiray Abiixayil, iyana waxay isagii u dhashay Axbaan iyo Mooliid.

[30] Wiilashii Naadaabna waxay ahaayeen Seled, iyo Afayim, laakiinse Seled wiilal la'aan buu ku dhintay.

[31] Ina Afayimna wuxuu ahaa Yishcii. Ina Yishciina wuxuu ahaa Sheeshaan. Ina Sheeshaanna wuxuu ahaa Axlay.

[32] Shammay walaalkiisii oo Yaadaac ahaa wiilashiisiina waxay ahaayeen Yeter, iyo Yoonaataan, Yeterna wiilal la'aan buu ku dhintay.

[33] Wiilashii Yoonaataanna waxay ahaayeen Felet, iyo Saasaa. Kuwaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Yeraxme'eel.

[34] Haddaba Sheeshaan wiilal ma lahayn, gabdho mooyaane. Oo Sheeshaan wuxuu lahaa addoon Masri ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Yarxaac.

[35] Markaasaa Sheeshaan gabadhiisii u guuriyey addoonkiisii Yarxaac la odhan jiray, oo iyana waxay isagii u dhashay Catay.

[36] Catayna wuxuu dhalay Naataan, Naataanna wuxuu dhalay Saabaad,

[37] Saabaadna wuxuu dhalay Eflaal, Eflaalna wuxuu dhalay Coobeed,

[38] Coobeedna wuxuu dhalay Yeehuu, Yeehuuna wuxuu dhalay Casaryaah,

[39] Casaryaahna wuxuu dhalay Xeles, Xelesna wuxuu dhalay Elecaasaah

[40] Elecaasaahna wuxuu dhalay Sismay, Sismayna wuxuu dhalay Shalluum,

[41] Shalluumna wuxuu dhalay Yeqamyaah, Yeqamyaahna wuxuu dhalay Eliishaamaac.

[42] Yeraxme'eel walaalkiis Kaaleeb wiilashiisiina waxay ahaayeen curadkiisii Meeshaac, oo Siif aabbihiis ahaa, iyo wiilashii Maareeshaah oo ahaa Xebroon aabbihiis.

[43] Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Qorax, iyo Tafuu'ax, iyo Reqem, iyo Shemac.

[44] Shemacna wuxuu dhalay Raxam, oo ahaa Yorqecaam aabbihiis, Reqemna wuxuu dhalay Shammay.

[45] Shammay wiilkiisiina wuxuu ahaa Maacoon, Maacoonna wuxuu ahaa Beytsuur aabbihiis.

[46] Ceefah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Xaaraan, iyo Moosaa, iyo Gaasees, oo Xaaraanna wuxuu dhalay Gaasees.

[47] Wiilashii Yaahdayna waxay ahaayeen Regem, iyo Yootam, iyo Geeshaan, iyo Felet, iyo Ceefah, iyo Shacaf

[48] Macakaah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Sheber iyo Tirxanaah.

[49] Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah.

[50] Oo kuwanu waxay wada ahaayeen ilmaha Kaaleeb, kaasoo ahaa ina Xuur, oo ahaa curadkii Efraataah, iyo Shoobaal oo ahaa Qiryat Yecaariim aabbihiis,

[51] iyo Salmaa oo ahaa Beytlaxam aabbihiis, iyo Xaareef oo ahaa Beytgaadeer aabbihiis.

[52] Shoobaal oo ahaa Qiryat Yecaariim aabbihiisna wuxuu lahaa wiilal, Haaro'eh iyo reer Menuxoot badhkiis.

[53] Oo reer Qiryat Yecaariim qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Yeter, iyo reer Fuutii, iyo reer Shumaatii, iyo reer Mishraacii, oo kuwaas waxaa ka soo farcamay reer Sorcaah, iyo reer Eshtaa'ool.

[54] Wiilashii Salmaana waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo reer Netofaah, iyo Cataarood Beytyoo'aab, iyo reer Maanahat badhkiis, iyo reer Sorcii.

[55] Oo karraaniyadii Yacbees degganaa qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Tircaatii, iyo reer Shimcaatiim, iyo reer Suukaatiim. Intaasu waa reer Qeynkii ka soo farcamay Xammat oo ahaa reer Reekaab aabbahood.

Taariikhdii Kowaad — Chapters