Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 6:59

[1] Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka.

[2] Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.

[3] Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo,

[4] ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday.

[5] Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.

[6] Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?

[7] Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.

[8] Butros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid.

[9] Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh.

[10] Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha.

[11] Waayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.

[12] Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?

[13] Waxaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay.

[14] Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan.

[15] Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey.

[16] Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray.

[17] Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.

[18] Dhammaantiin ka hadli maayo; waan garanayaa kuwaan doortay. Laakiin Qorniinka leh, Kan kibistayda cuna ayaa cedhibtiisa ii qaaday, waa inuu ahaado.

[19] Hadda dabadeed waxaas ayaan idiin sheegayaa intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan inaan ahay isagii.

[20] Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray.

[21] Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

[22] Markaasay xertii is-eegeegeen iyagoo aan garanaynin kii uu ka hadlayay.

[23] Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.

[24] Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo.

[25] Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?

[26] Markaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon.

[27] Markuu koosaarta qaatay dabadeed, Shayddaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee.

[28] Kuwa la fadhiyey midkoodna ma garanaynin sababta uu sidaas ugula hadlay isaga.

[29] Yuudas baa kiishaddii lacagta hayay, taas aawadeed qaar waxay u maleeyeen in Ciise ku yidhi, Soo iibi waxaynu iidda u baahan nahay, ama, Masaakiinta wax sii.

[30] Isagu haddaba markuu koosaartii qaatay, markiiba ayuu baxay, oo waxayna ahayd habeennimo.

[31] Haddaba markuu baxay, Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga.

[32] Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa.

[33] Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.

[34] Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.

[35] Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

[36] Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

[37] Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.

[38] Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.

Injiilka Sida Yooxanaa U Qoray — Chapters