Skip to content
Opens in a new window

[1] Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim.

[2] Oo daah walba dhererkiisu waa inuu ahaadaa siddeed iyo labaatan dhudhun, daah walba ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna waa inay isku qiyaas ahaadaan.

[3] Shan daah waa inay isku xidhnaadaan, oo shanta daah oo kalena waa inay isku wada xidhnaadaan.

[4] Oo daahyada midkood waa inaad darafta uu ka laaban yahay u yeeshaa siddooyin buluug ah, oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa daaha dibadda ugu xiga laabka labaad.

[5] Isku daah waa inaad konton siddo u yeeshaa; oo daaha ku yaal laabka labaad waa inaad daraftiisa u yeeshaa konton siddo; oo siddooyinkuna waa in midkoodba kan kale ka hor jeedaa.

[6] Waa inaad konton qabsato oo dahab ah samaysaa, oo daahyadana waa inaad midba kan kale qabsatooyinka kula xidhaa, oo taambuuggana waa inuu mid dhan ahaadaa.

[7] Oo waa inaad daahyo ah dhogor riyaad samaysaa oo aad taambuugga ku deddaa; oo waa inaad iyaga ka dhigtaa koob iyo toban daah.

[8] Oo daah kasta dhererkiisu waa inuu soddon dhudhun ahaadaa, daah kasta ballaadhkiisuna waa inuu afar dhudhun ahaadaa; oo koob iyo tobanka daah waa inay isku qiyaas ahaadaan.

[9] Oo waa inaad shan daah gooni ahaantooda isugu xidhaa, lix daahna gooni ahaantooda isugu xidh, oo daaha lixaad waa inaad ku labanlaabtaa teendhada fooddeeda.

[10] Oo daaha dibadda u xiga laabka daraftiisa waa inaad konton siddo u yeeshaa, oo daaha laabka labaad ugu korreeya daraftiisana waa inaad konton siddo u yeeshaa.

[11] Oo waa inaad samaysaa konton qabsato oo naxaas ah, oo waa inaad qabsatooyinkana sudhaa siddooyinka, oo teendhadana isku xidh kulligeed si ay mid dhan u noqoto.

[12] Oo inta dusha ka lalmata oo ka hadhay daahyada teendhada, oo ah daaha badhkiisa, waa in laga lalmiyaa taambuugga dabadiisa.

[13] Dhudhunka oo dhinaca ah iyo dhudhunka oo dhinaca kale oo ah waxa ka hadha daahyada teendhada dhererkooda waa in laga lalmiyaa dhinacyada taambuugga, oo ah dhankan iyo dhankaasba, inay dedaan.

[14] Oo teendhada waa inaad ded uga dhigtaa wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.

[15] Oo looxyada taambuuggu ku taagan yahay waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa.

[16] Looxiiba dhererkiisu waa inuu toban dhudhun ahaadaa, oo loox kasta ballaadhkiisu waa inuu dhudhun iyo badh ahaadaa.

[17] Oo loox kasta waa inuu lahaadaa laba caarad, oo looxyadu waa inay dhinacyada isku hayaan, oo waa inaad sidaas u yeeshaa looxyada taambuugga oo dhan.

[18] Oo dhinaca koonfureed oo taambuugga looxyadiisa waa inaad labaatan loox ka dhigtaa.

[19] Oo waa inaad samaysaa afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatanka loox; oo laba saldhigba waa inay ka hooseeyaan loox inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad, oo laba saldhigna waa inay ka hooseeyaan loox kale inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad.

[20] Oo taambuugga dhankiisa labaad oo woqooyi xiga waa inaad u yeeshaa labaatan loox,

[21] iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

[22] Oo meesha ugu dambaysa taambuugga oo ah dhankiisa galbeed waa inaad lix loox u yeeshaa.

[23] Oo laba loox waa inaad u yeeshaa labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambe.

[24] Oo waa inay hoosta labanlaab ka noqdaan, oo sidaas oo kalena waa inay dhammaadaan ilaa siddada kowaad dusheeda, oo labaduba waa inay sidaas ahaadaan, oo labada gees baa iska leh.

[25] Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

[26] Oo waa inaad ulo gudban ka samaysa qori qudhac ah; looxyada taambuugga dhinac kaga jira shan ulood u yeel,

[27] looxyada dhinaca kale kaga jirana shan ulood oo kale u yeel, oo shan ulood oo kale u yeel taambuugga looxyadiisa kaga jira dhanka galbeed xaggiisa dambe.

[28] Oo uldhexaadda oo looxyada ku gudban waa inay gaadhaa gees ilaa gees.

[29] Oo looxyada waa inaad dahab ku dahaadhaa, oo siddooyinkooda ah meelaha ulaha gudban ka gelayaan waxaad ka samaysaa dahab, oo ulahana waa inaad dahab ku dahaadhaa.

[30] Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

[31] Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim.

[32] Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

[33] Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

[34] Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan.

[35] Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig.

[36] Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

[37] Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.

Kitaabkii Labaad Ee Muuse Ee La Yidhaahdo Baxniintii — Chapters