Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 4:10

[1] Anigoo Bawlos ah, oo rasuul u ah Ciise Masiix xagga doonista Ilaah, waxaan warqaddan u qorayaa quduusiinta Efesos joogta iyo kuwa aaminka ah oo Ciise Masiix ku jira.

[2] Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

[3] Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,

[4] xataa siduu inoogu doortay isaga dhexdiisa intaan dunida la aasaasin ka hor inaynu quduus ahaanno oo iin la'aanno isaga hortiisa, isagoo ina jecel,

[5] oo hore inoogu doortay inuu inaga dhigto carruurtiisii xagga Ciise Masiix siduu doonayay oo ku farxay,

[6] in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.

[7] Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna.

[8] Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,

[9] oo wuxuu ina ogeysiiyey qarsoodiga doonistiisa siduu ugu farxay oo Masiixa ugu fikiray

[10] oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.

[11] Isagaynu dhaxal ku helnay innagoo laynagu doortay qasdiga kan wax kasta kaga shaqeeya sida ay tahay talada doonistiisu,

[12] in kuweenna markii hore Masiixa wax ku rajeeyey aynu ahaanno kuwo aawadood lagu ammaano Ilaah cisadiisa.

[13] Oo weliba idinku isagaad ku maqasheen ereyga runta ah, kaas oo ah injiilka badbaadadiinna, oo weliba idinku markii aad rumaysateen ayaa laydinku shaabadeeyey Ruuxa Quduuska ah oo uu ballanqaaday,

[14] oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.

[15] Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed

[16] ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa,

[17] in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.

[18] Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta,

[19] iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa

[20] ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa.

[21] Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.

[22] Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,

[23] taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.

Warqaddii Rasuul Bawlos U Qoray Dadkii Efesos — Chapters