[1] Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.
[2] Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.
[3] Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.
[4] Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.
[5] Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
[6] Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,
[7] waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.
[8] Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.
[9] Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.
[10] Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.
[11] Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.
[12] Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
[13] Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.
[14] Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
[15] Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
[16] Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
[17] Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
[18] Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,
[19] taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.
[20] Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
[21] Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.