Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 4:22

[1] Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix.

[2] Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo, weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan.

[3] Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?

[4] Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn?

[5] Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.

[6] Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.

[7] Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa.

[8] Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.

[9] Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.

[10] Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.

[11] Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.

[12] Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,

[13] nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.

[14] Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa.

[15] Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.

[16] Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?

[17] Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.

[18] Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho.

[19] Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,

[20] oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.

[21] Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,

[22] ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.

[23] Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.

Warqaddii Kowaad Ee Rasuul Bawlos U Qoray Dadkii Korintos — Chapters